Hoggaamiyaha Galmudug oo Dhuusamareeb ka furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya (CHF)

Hoggaamiyaha maamulka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah magaalada Dhuusamareeb uga furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya (CHF), kaas oo diiradda lagu saarayo xaaladda bani’aadanimada dalka, u diyaargarowga musiibooyinka iyo xoojinta gurmadka degdegga ah.

Shirka waxaa ka qaybgalaya Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadanimada, oo uu hoggaaminayo George Conway, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isuduwaha Arrimaha Bani’aadanimada.

Madashan oo halku-dhiggeedu yahay “U Diyaargarowga Musiibooyinka iyo Dhisidda Adkaysiga, Xoojinta Gurmadka, Sugnaanta Biyaha iyo La-qabsiga Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya” ayaa lagu falanqaynayaa caqabadaha bani’aadanimada ee dalka ka jira iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada looga hortagayo dhibaatooyinka saameeya bulshada.

Ajandaha shirka waxaa sidoo kale qayb ka ah sidii loo horumarin lahaa nidaamka u diyaargarowga musiibooyinka, loo dardargelin lahaa gurmadka dadka ay saameeyaan abaaraha iyo fatahaadaha, loona heli lahaa xalal waara oo wax looga qabanayo biyo-yaraanta iyo dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.

Sidoo kale, waxaa muhiimad gaar ah la siinayaa dhisidda adkaysiga bulshada Soomaaliyeed, si ay awood ugu yeelato la tacaalidda xaaladaha degdegga ah iyo yareynta saameynta musiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta dowladda, hay’adaha samafalka iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Qabsoomidda shirka magaalada Dhuusamareeb ayaa Galmudug u noqonaysa goob ay isugu yimaadaan mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’adaha bani’aadanimada, si ay uga wada hadlaan xaaladaha bani’aadanimada iyo qorshayaasha lagu xoojinayo gurmadka iyo u diyaargarowga musiibooyinka.

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya (CHF) ayaa la filayaa inuu noqdo madal lagu isdhaafsado aragtiyo iyo qorshayaal la xiriira wax ka qabashada baahiyaha bani’aadanimada, sugnaanta biyaha iyo sidii loo heli lahaa xalal waara oo lagu taageerayo bulshada Soomaaliyeed.