Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), oo howlo shaqo u jooga magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa kormeer shaqo ku tegay fariisimaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa kormeerkiisa ku soo maray goobaha ay ciidamada ka howlgalaan, isaga oo u kuurgalay xaaladda guud ee ciidamada, habsami u socodka howlaha shaqo iyo dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa saraakiisha ciidamada ka xog wareystay xaaladaha amni ee goobaha ay ku sugan yihiin, isaga oo warbixinno ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa fariisimaha kala duwan.
Dhanka kale, Taliyaha ayaa saraakiisha iyo ciidamada uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixinayaan sugidda amniga goobihii ay Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM ku wareejiyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale ku bogaadiyay ciidamada gudashada waajibaadkooda shaqo iyo ilaalinta amniga bulshada, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannadaas.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah howlaha shaqo ee Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo diiradda lagu saarayo dardargelinta howlaha amniga, qiimeynta xaaladda ciidamada iyo la socodka habsami u socodka shaqada fariisimaha kala duwan ee ciidamadu ku sugan yihiin.