Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa 26-kii bishan Nofeembar howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday horjoogeyaal ka tirsan kooxda AS.
Howlgalkan oo ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay ayaa lagu dilay laba horjooge, halka laba kale dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay, sida lagu sheegay xogta laga helay howlgalka. Saraakiisha la beegsaday ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen hoggaanka kooxda ee qaabilsan qeybaha kala duwan ee howlaha ay ka waddo deegaannada gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Horjoogeyaasha howlgalka lagu dilay waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Maxamuud Abuukar (Abuu Khaalid), oo ahaa madaxa maleeshiyaadka ay kooxda ugu yeerto Xisbada ee degmada Raaga-Ceelle, iyo horjooge lagu magacaabo Ayuub, kaas oo ahaa madaxa maleeshiyaadka Xisbada ee deegaanka Afarta Tuulo.
Dhanka kale, howlgalka ayaa dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay horjooge Macallin Mursal, oo kooxda u qaabilsanaa arrimaha beeraha iyo kanaallada waraabka ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyo horjooge Faysal, oo ahaa mas’uulka u qaabilsanaa maleeshiyaadka Xisbada ee degmada Jalalaqsi.
Xogta laga helay howlgalka ayaa sidoo kale tilmaamaysa in horjoogeyaasha la beegsaday ay dhowaan soo dhammaysteen tababar muddo lix bilood ah oo ay ku qaateen deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Tababarkaas ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaa qorshayaasha kooxda ee la xiriira abaabulka iyo howlaha ay ka waddo deegaannada ay joogaan.
Howlgalkan ayaa dhacay xilli, sida ay sheegtay NISA, horjoogeyaasha la beegsaday ay qorsheynayeen tallaabooyin ay ku dhibaateyn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku howlan wax-soo-saarka beeraha iyo howlaha la xiriira waraabka.
Beegsiga horjoogeyaashan ayaa qeyb ka ah howlgalada ay Hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamku ka wadaan deegaannada kala duwan ee dalka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha iyo xubnaha kooxda AS ee ku lugta leh abaabulka iyo fulinta falalka amni-darrada.