Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cumar Macallin, iyo Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), oo ay wehliyaan maareeye ku-xigeennada dekedda, ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay qeybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ugu horreyn kormeeray dhismaha iyo dib-u-habeynta waddooyinka gudaha dekedda, kuwaas oo ay ka socdaan howlo dayactir iyo casriyeyn ah. Waxay sidoo kale soo indha-indheeyeen dhismaha xafiisyo cusub oo casri ah, kuwaas oo dhismahoodu uu weli socdo, isla markaana qeyb ka ah qorshaha lagu horumarinayo kaabayaasha iyo adeegyada dekedda.
Intii ay booqashada ku jireen, wafdiga ayaa sidoo kale tegay goobaha ay maraakiibtu ku soo xirtaan, iyaga oo u kuurgalay habsami u socodka howlaha dekedda iyo adeegyada loo fidiyo maraakiibta iyo ganacsatada isticmaasha dekedda.
Sidoo kale, Wasiirka iyo Maareeyaha Guud ayaa booqday xafiisyada maamulka Dekedda Muqdisho iyo Kastamka Guud ee dekedda, halkaas oo ay ku soo arkeen qaabka ay u socdaan howlaha maamulka, habraacyada shaqada iyo adeegyada kala duwan ee halkaasi laga bixiyo.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah kormeerrada ay Wasaaradda Dekedaha iyo maamulka dekeddu ku sameynayaan howlaha horumarinta iyo casriyeynta Dekedda Muqdisho, iyadoo diiradda la saarayo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, dayactirka waddooyinka gudaha dekedda iyo tayeynta adeegyada ay dekeddu u qabato dalka.
Dekedda Muqdisho ayaa ah mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama ay door weyn ku leedahay soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha, fududeynta ganacsiga iyo isku socodka badeecadaha dalka. Sidaas darteed, horumarinta kaabayaasha iyo casriyeynta adeegyada dekedda ayaa muhiim u ah kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.