Golaha Wasiirada oo yeelanaya kulan deg deg ah

Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonkaro Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay yeeshaan kulan deg deg ah oo ku saabsan Xaaladda dalka.

Kulanka ayaa lagu waddaa in looga hadlo Cabashooyinka Ganacsatadda Suuqa Bakaaraha,waxaana lagu waddaa in warbixin laga dhageysto Wasiirka Maaliyadda.

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka lagu magacaabi doono Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida oo saddex bilood banaanaa.