Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo Maanta deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaano hoostaga degmada lambar konton ee Gobolkaas,waxaana la sheegay in uu yimid ka dib markii ay Al-Shabaab soo weerareen fariisin ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in dagaalka xoogiisa uu Maanta ka dhacay deegaanada kala ah Buushka iyo deegaano kale,isla markaana ay iska-difaaceen Al-Shabaabkii weerarka ku soo qaaday.
Dhinaca kale dadka deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxa ay sheegeen in ay cabsi soo wajaahday maadaama dhowr mar uu halkaasi ka dhacay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.