Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay baaris ku waddo saddex qof oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Hay’adda dambi baarista dalka Kenya ayaa sheegtay in Saddex qof laga soo qabtay gobolka Wadooyi bari ee dalka Kenya ka dib markii lagu eedeeyay Shabaabnimo.
Sarkaal ka tirsan Hay’adda Dambi baarista is maamulka Mandera ayaa sheegay in dadka degaanka ay kusoo wargeliyeen in kooxo hubeysan ay ku sugan yihiin degaanka hoos yimaada Mandera ka dibna ay soo qabtaan Ciidamada Ammaanka Saddexdaasi qof.
Waxaa ku jira Saddexda qof haweenay la sheegay in ay hubka u qarin jirtay ragga la tuhmaayo.
Al-Shabaab ayaa Weeraro joogto ah ku qaada degaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana dhowr jeer ay dileen xubno ka tirsan Booliska.