Dil kadhacay duleedka Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, rag hubeysan ayaa duhurnimadii maanta Tabeelaha Sheekh Ibraahim waxa ay ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen in rag hubeysan ay askarigan ugu yimaadeen goob uu fadhiyay, intaasi kadibna ay rasaas la dhaceen, iyaga oo ugu dambeyn goobta ka baxsaday, markii ay ka qaateen qorigii uu watay.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Mahad Macow Afrax ayaa ka mid ahaa ciidanka ilaalada xarunta Garasbaaley, sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley.

Ciidanka ammaanka dowladda federaalka ayaa waxa ay tageen goobta uu dilka ka dhacay, halkaasi oo ay ka qaadeen meydka marxuumka la dilay, waxayna ciidanka sameeyeen baaritaan aanay jirin cid lagu soo qabtay.

Dilalka inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ee lala beegsado ciidamada waxaa geysta ururada hubeysan ee Shabaab iyo Daacish, inta badan ma suuragasho in gacanta lagu dhigo dableyda