Mareykanka wuxuu sheegay inuu joojiyay in ka badan 200 milyan oo doolar oo deeq ahaan uu u siin jiray Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed iyo Marinka Qaza, Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in go’aanka ay ku joojiyeen deeqdii ay siinayeen shacabka Falastiin ay ka timid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, wuxuuna sidoo kale sheegay in lacgtani loo weeciyay fulinta mashaarciyo meelo kale.
Dhanka kale, sarkaal Falasttiini ah ayaa ku tilmaamay go’aanka Mareykanka taallaabo xun oo ay mas’uuliyad darro ku dheehantahay.
Hoggaanka Falastiiniyiinta ayaa qaadacay dadaaladda nabadda ah ee uu wado Mareykanka tan iyo intii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u aqoonsaday magaalada Quddus caasimadda Israa’iil.
Durbadiba, wasarada arrimaha dibedda ayaa Hay’adda gargaarka u qaabilsan falastiniyiinta ka joojisay qorshe lagu siin lahaa lacago dhan 65 milyan oo doolar.
Xiriirka Maraykanka iyo falatsiniyiinta ayaa sii xumaaday tan iyo markii Madaxweyne Trump u awoodda dalkaasi la wareegay
Arrintaas ayaa horseeday in falastiniyyiinta ay sheegan in Maraykanka uusan garwadeen ka noqon karin wadahadalada nabbda ee labada dhinac.