Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay guddoomiyaha ururka ONLF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ee dalka Eretria kula kulmay guddoomiyaha ururka ONLF Maxamed Cumar Cusmaan.

Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha kala hadlay sidii ONLF ay uga qeyb qaadan lahayd dadaalka loogu jiro nabadda iyo hormarka, waxa uuna intaas ku daray Madaxweynuhu in la joogo waqtigii nabadda la dhiirigalin lahaa lagana gudbi lahaa colaadda iyo khilaafka muddada ka jiray gobolka.

Farmaajo ayaa kula dardaarmay Admiral Cumar in ONLF qaadato door horumarineed oo xoojinaya dadaallada loogu jiro xaqiijinta nabadda, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo wax kasta oo horumar u ah dadka Soomaaliyeed.

Masuuyliyiin qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha oo ku sugan Asmara ayaa waxa ay sheegeen in kulanka uu ahaa mid muhiim ah oo sidoo kale diiradda lagu saaray isbadallada ka socda Geeska Afrika.

30-kii bishii July ee sanadkan ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Admiral Maxamed Cumar kulankii ugu horreeyay ku yeesheen isla magaalada Casmara.