Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM oo qarax miino lagula eegtay degaanka Shalambood oo ka tirsan gobolka Shaberellaha Hoose.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in ay arkeen qaraxa kadib mid ka mid ah gaadiidka ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM oo gubanaya.
Al Shabaab ayaa war ay ku qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda weerarkan, waxayna tilmaameen in khasaare dhimasho iyo dhaawac ahba ay gaarsiiyeen ciidanka ay weerareen.
Masuuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose iyo saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu jiro, balse uu kooban yahay khasaaraha ka dhashay.
Ururka Al shabaab ayaa inta badan gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe waxa ay qaraxyada dhulka lagu aaso kula eegtaan ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda, marka ay wadooyinka goboladaasi ku safrayaan.