Mooshin laga gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug

Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta aqbalay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ay keeneen xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.

Mudanayaasha oo mooshinkooda u gudbiyey guddoomiye Xareed Cali Xareed ayaa ku sababeeyey in guddoomiyaha baarlamaanka uu gabay shaqadii loo idmaday, islamarkaana ay muhiim tahay in lala xisaabtamo.

Tiradda Xildhibaanada mooshinka gudbisay oo tiradooda lagu sheegay 89 mudane ayaa waxaa mooshinka ay keeneen laga doodi doonaa maalmaha soo socda, sida uu Idaacadda Risaala u sheegay guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug.

Mooshinka ay keeneen xildhibaanada ayaa waxaa soo da dejiyay kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir uu ka soo horjeestay shirkii magaalada Kismaayo ay ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada.