Maamulka Koonfur Galbeed oo hakiyay xiriirkii ay la laheyd dowladda dhexe

Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegtay iyada oo tixraaceysa shirkii magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay Sabtidii ina dhaaftay inay hakisay xiriirkii wada shaqeyneyd ee kala dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay magaalada Baydhabo kulan deg deg ah oo waqtigiisa laga soo hormariyay ay ku yeesheen golaha wasiirada maamulkaasi, kaasi oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Koonfur Galbeed ayaa dhammaan shaqaalaha wasaaradaheeda ku wargelisay in aysan wax wada shaqeyn ah la sameyn karin dowladda federaalka Soomaaliya ilaa amar dambe.