Ciidamada Amniga Oo Gacanta Ku Dhigay Burcad Dhac Ka Geysan Jirtay Muqdisho

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse ayaa sheegay in Ciidamada booliska Soomaaliyeed ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan dad lagu eedeeyay inay dhac ka geysanayeen Xaafado ka tirsan Magalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay  wasiirka in qeybo ka tirsan Muqdisho dadka ku nool ay waayadaan ka cabanayeen burcad dadka Shacabka ah ka qaadanayay waxyaabo ay ka mid yihiin Mobelada,isla markaana haatan burcadaas gacanta lagu haayo tallaabada laga qaadi doono.

Shacabka ku nool Gobolkan Banaadir ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay walaac ka muujinayeen kooxo burcad ah oo qaarkood wata Mooto Bajaaj,kuwaaso oo Xaafadaha qaar dhac ka geysanaya.