Dowlad goboleedyada oo ku baaqay Shirweyne Qaran

Shirka Madaxda maamul goboleedyadda ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa maanta lasoo gabagabeeyay, waxaana dowladda dhexe ay ku eedeeyeen in ay ku fashilantay la shaqeynta Madaxda maamul goboleedyadda.

Qodobadda kasoo baxay Shirka ayaa waxaa ka mid ah in Muddo bil ah Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto Shirweyne Qaran oo ay kasoo qeyb gali doonaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Shirkaan ayay ku sheegeen Madaxda maamulada in lagu badbaadin doono Soomaaliya ,kaasoo looga tashan doono xaaladda Soomaaliya.

Golaha waxa ay sidoo kale sheegeen in aysan waxba iska badalin go’aankii ay horay u gaareen Madaxda maamulada ,kaasoo ahaa in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowlada dhexe ee Soomaaliya.