Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay iskaashiga wadaagga ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Dowladda Qatar Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim.

kulankaan ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen Arrimo la xariira hanaanka wada shaqeynta Soomaaliya iyo Qatar.

Intii kulanku socday ayaa la isku dhaafsaday hadallo la xiriira xiriirka salka adag iyo iskaashiga wadaagga ah ee labada dal u dhexeeya.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladdaha sidda weyn u taageera Soomaaliya, waxaana ay soo baxday taageeradeeda labadii sano ee lasoo dhaafay.