Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Xukun Riday

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa soo gaba gabeysay dacwad la xiriirta musuq maasuq oo loo heystay mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Canshuuraha ee dekada Muqdisho iyo Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka.

Waxaa ka mid ah mas’uuliyiinta musuq maasuqa lagu eedeeyay ee xukunka lagu riday Maamulihii hore ee  Furdada Xamar Axmed C/llaahi Samow iyo xubno kale oo la shaqeynayey oo gaaraya 8 Xubnood.

Maamulihii hore ee  Furdada Xamar Axmed C/llaahi Samow iyo xubno kale oo la shaqeynayey ayaa mid kiiba waxaa lagu xukumay min Saddex sano oo Xabsi ah halka lasii daayay 2 kale oo ay ka mid tahay Haweeney ku xigeen ka aheyd waaxda Canshuuraha  ee dekada Muqdisho sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Waxaa Maxkamadu min Saddex Sano iyo Saddex biloo oo Xabsi ah  ku riday agaasime waaxeedkii Wasaaradda gargaarka iyo Musiibooyinka Daahir Maamed Nuur iyo nin kale oo lagu magacaabo Mohamed Cumar.

Mas’uuliyiintaan xukunka lagu riday ayaa dacwadooda waxa ay soo socotay mudo dhowr bilood ah balse ugu dambeyn la soo gaba gabeeyay waana mas’uuliyiintii ugu horeysay oo Maxkamada Gobolka Banaadir oo ay xukun ku rido,kuwaas oo lagu eedeeyay musuq