Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray California si uu u soo indha indheeyo qasaaraha ka dhashay dabka ka kacay gobolkaasi oo ay ku dhinteen 71 qof.
Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan 1,000 qof oo kale in la la’yahay iyada oo mas’uuliyiinta gobolkaasi ay sheegeen tirada dadka dhintay iyo kuwa la la’yahayba ay isbedbeddeli karto.
Madaxweyne Trump oo magaalada Paradise uu dabka qasaaraha badan u geystay ka hadlay ayaa wuxuu ammaanay maamulka gobolka iyo shaqaalaha ku howlan baadi goobka dadka la la’yahay.
Dab kan la mid ah oo ka dhacay Los Angeles oo ay seddex qof ku dhinteen waxaa lagu guuleystay in mudda gaaban lagu xakameeyo.
Toddobaadka soo socdana waxaa la saadaaliyey ayuu yiri roobab xooggan iney ka di’i karaan deegaannada uu dabku ku dhuftay marka maadaamaa ay daadad ka dhalan karaan waa in taxaddar weyn la sameeyaa maadaamaa ay dhirta inteeda badneyd ay gubatay.