Dowlada Burundi oo soo jeediday in la xiro xafiiska xuquuqda aadanaha ee QM

Dowladda Burundi ayaa amartay in guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramadama Midoobay uu xafiisyadiisa albaabada isugu laabo muddo labo toddobaad ah, sida ilo ka tirsan Qaramada Midoobay ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

“Dawladda Burundi ayaa xagjir sii noqonaysa, beesha caalamkana ka dhago adkeysanaysa” sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay qof aan magaciisa la shaacinin oo Qaramadama Midoobay ka tirsan.

Burundi ayaa isaga baxday shirkii Urur goboleedka Bariga Afrika ee bishii Nofembar la qabtay, kaas oo la rabay in diiradda lagu saaro qaska ka taagan Burundi.

Sannadkii 2017 Burundi ayaa isaga baxday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo ICC.

Rabshado ayaa dalkaas ka billawday sannadkii 2015kii markaas oo madaxweyne Pierre Nkurunziza uu u tartamayay markii saddexaad.

Daganaansho la’aantii siyaasadeed ayaa horseeday boqolaal dhimasho ah, in kabadan 400,000 ruuxna dalka ayay isaga qaxeen, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.