Cabdicasiis Maxamed oo ah Aabaha dhalay Allaha u naxariistee Luul oo ahayd Haweenay Uur leh oo Saygeeda Sayid Cali Macallin Daauud uu ku gubay Magaalada Muqdisho ugu dambayn u dhimatay dhaawacaas soo gaaray ayaa dalbaday in loo qisaaso ninka Falkaas gaystay oo gacanta Hay’adaha amniga Dowladda haatan ku jira.
Waxa uu sheegay in sababta Maydka Marxuumadda loo geliyay qaboojiyaha (Filinjeerka) ay tahay in lasoo qabto lagana oofiyo qisaasta ay xaqqa u leeyihiin si isku mar loo wada aaso waa sida uu hadalka u dhigay Aabaha dhalay Luul.
Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Isniinta soo bandhigay sawirka Sayid Cali Macallin Daauud oo ku eedeysan in uu gubay Marwadiisa oo uur u lahayd kaddibna ay u geeriyootay dhaawicii cuslaa ee soo gaaray halka uu isagana baxsaday.