Aabe ku xanuunsanaya Muqdisho oo baaq u diray DF-ka iyo shacabka Soomaaliyeed

Cabdiraxmaan Cali Nuur waa Aabe Soomaaliyeed oo ka xanuunsanaya lugta bidix mudo Lix sano ah, waxa uu ku nool yahay degmada yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Xanuunka haya waa mid si caadi ah uga dhacay, wuxuu inoo sheegay in sanadihii ugu dambeeyay lugta uu aad uga xanuunsaday, oo xanuunka uu ku saa’iday.

C/raxmaan ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in qeylo dhaan dheer kadib laba sano kahor uu dhaqtar u tagay oo uu baaritaan isku sameeyay, kadib ayaa loo sheegay in xanuunka haya dalka aan waxba looga qaban Karin.

Wuxuu kaloo sheegay xanuunkan inuu yahay Bacteria ku dhalatay Lafaha oo hadii aanan si deg deg ah wax looga qabana ku faafeysa jirka intiisa kale, kharashka ku baxayana uusan awoodin isaga.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xanuunka lugta ka haya uu sababay inuusan lugta ku socon Karin, oo xitaa lugta uusan dhulka dhigi Karin, wuxuuna adeegsadaa Baakoor, xilliyada uu doonayo inuu socdo.

C/raxmaan oo xilligii uu caafimaadkiisa qabay ahaa nin xoogsato ah oo ka ganacsan jiray Khudaarta ayaa sidoo kale inoo sheegay marka uu xanuunkan qabtay in xaaskiisa ay ka tagtay, caruurtii uu dhalayna ay u wadatay wadanka Yemen, ilaa haddana uusan meel ku sheegin, dibna ula soo xiriirin.

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cali Nuur ayaa Dowladda Federaalka, bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku nool dibadda ugu baaqay in ay gar gaar caafimaad u sameeyaan si uu u rumeeyo hamigiisa ah in markale uu dib ugu socdo lugtiisa uu sanado kahor ku shaqeysan jiray.

Dalka waxaa ku nool dad danyar oo dhibaatooyin ay heystaan kuwaasi oo aan awoodin in ay tagaan goobo caafimaad, Dowladda Soomaaliya masuuliyad ayaa ka saaran in dadkaasi oo kale si gaar ah ay ula socoto, oo ay wax u qabato.