Aabihii Qoyska oo ahaa Macalin dugsi Qur’aan iyo 3 caruur ah ayaa geeriyootay hooyadii iyo 2 caruur ahna waa dhaawac kadib markii uu madfac kau habsaday gurigooda

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa kusoo dhacay Xaafado katirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad Shacab ah.

Hoobiyeyaasha oo jugtooda laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay kusoo dhaceen xaafado katirsan degmooyinka Wartanabadda, Xamar-Jajab iyo Waaberi.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Hoobiye ku dhacay Qoys degan degmada Waaberi gaar ahaan agagaarka Isgoyska Ototo uu ku dhintay Macalin dugsi Qur’aan oo lagu Magacaabi jiray Macalin Aweys iyo Gabadhiisa Xaliimo Macalin.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha ay ku dhaawacmeen Hooyada qoyska oo lagu Magacaabo Naciimo Maxamed Cabdi iyo Xaliimo Macalin Aweys Maadeey oo lix jir ahayd,  Isra Macalin Aweys iyo Maxamed Macalin Aweys Madey.

Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin hoobiyeyaasha saaka kusoo dhacay xaafado katirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.