Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa maanta waxaa uu shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulanka 9-aad ee Golaha Shacabka BJFS.
Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka dib u eegista sharciga la-dagaalanka burcad badeeda iyo ka hortaga afduubka ee Shrciga Lr.36, 30 April 1975 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Federaalka, ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ka doodeen la dagaalanka burcad badeeda iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in la xoojiyo Ciidanka Badda Qaranka.
Sidoo kale Xildhibaannada ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyadda Ayniga Dhir Beereedka, iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.
Guddoomiye Sheekh Aadan oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay ilaalinta waqtiga iyo in ay kooramka soo buuxiyaan, isla-markaana ay gutaan waajibaadka loo idmaday.