Aadan Madoobe oo Furay Mashruuc Lagu Tayeynayo Adeegyada Dowladda iyo Ka-qaybgalka Bulshada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Bulsho, oo ah mashruuc loogu talagalay xoojinta dowlad-dhiska heer deegaan, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta ka-qaybgalka shacabka ee qorsheynta iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee taageera mashruuca, madaxda dowladaha hoose iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Isagoo khudbad ka jeediyay munaasabadda, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa sheegay in Mashruuca Bulsho uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo horumarka degmooyinka, kor loogu qaadayo tayada adeegyada dowladda iyo sare u qaadidda adkeysiga bulshooyinka deegaanka.

Waxa uu xusay in mashruucu uu gacan weyn ka geysan doono sidii loo kobcin lahaa awoodda dowladaha hoose, loona abuuri lahaa hannaan ay bulshadu si toos ah uga qayb qaadato go’aannada la xiriira baahiyahooda iyo mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo deegaannadooda.

Hoggaamiyuhu wuxuu caddeeyay in maamulka Koonfur Galbeed uu mudnaan siinayo isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo hirgelinta hufan ee mashruuca, isagoo faray dhammaan wasaaradaha iyo maamulka degmooyinka inay si dhow isaga kaashadaan fulinta qorshayaasha mashruuca si bulshada loo gaarsiiyo adeegyo tayo leh oo waxtar u leh noloshooda.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa sheegay in Mashruuca Bulsho uu yahay hindise qaran oo lagu xoojinayo dowlad-dhiska heer deegaan, laguna horumarinayo awoodda dowladaha hoose si ay u bixiyaan adeegyo wax ku ool ah oo daboolaya baahiyaha shacabka.

Wuxuu tilmaamay in mashruucu uu dhiirrigelinayo ka-qaybgalka bulshada ee maamulka iyo horumarinta deegaannada, isla markaana uu sare u qaadayo wada-shaqeynta ka dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, dowladaha hoose, bulshada rayidka ah iyo bah-wadaagta horumarinta.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, hay’adaha taageeraya mashruuca iyo dhammaan daneeyayaasha kaalinta ay ka qaateen hirgelinta Mashruuca Bulsho, isagoo muujiyay rajo ah in mashruucu uu horseedi doono horumar waara, kobcinta hay’adaha dowladda iyo adeegyo bulsho oo tayo sare leh.

Intii ay socotay munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan heerarkii uu soo maray mashruuca, goobaha laga hirgelinayo, qorshayaasha mustaqbalka iyo saameynta la filayo inuu ku yeesho horumarinta degmooyinka iyo adeegyada bulshada.

Mashruuca Bulsho ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku hirgelinayso maamul-daadejinta, xoojinta dowladaha hoose iyo gaarsiinta adeegyada aas-aasiga ah bulshada. Waxa uu awood siinayaa magaalooyinka, degmooyinka iyo bulshooyinka deegaanka inay door muuqda ku yeeshaan qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarinta, iyadoo la adeegsanayo hannaan ka bilaabma heerka bulshada.

Sidoo kale, mashruucu wuxuu isku xirayaa mudnaanta iyo baahiyaha ay qabaan bulshada deegaanka iyo qorshayaasha horumarineed ee heer qaran, si loo xoojiyo isku-duwidda iyo wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, dowladaha hoose iyo bulshada. Dowladda iyo bah-wadaagta mashruuca ayaa rajo weyn ka qaba in hirgelintiisu ay horseedi doonto adeegyo hufan, maamul tayo leh iyo horumar waara oo laga dareemo guud ahaan deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.