Gaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar, ayaa magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka uga qayb galay shir heer caalami ah oo uu soo qabanqaabiyey Bangiga Adduunka, kaas oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin, khubaro iyo wakiillo ka socday dalal kala duwan si ay uga wada hadlaan caqabadaha iyo fursadaha horyaalla dalalka ka soo kabanaya colaadaha, nuglaanta iyo xasaradaha muddada dheer soo jiitamay.
Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray sidii dalalka wajahaya xaaladaha adag ay isugu dheellitiri lahaayeen wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah ee bulshada iyo hirgelinta qorsheyaasha horumarineed ee muddada fog, kuwaas oo saldhig u noqon kara xasillooni siyaasadeed, koboc dhaqaale iyo horumar waara.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga dooday hababka ugu habboon ee lagu maareyn karo duruufaha degdegga ah ee ay la tacaalayaan dalalka nugul, iyadoo aan la dayicin qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee lagama maarmaanka u ah dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa madasha shirka ku soo bandhigay waayo-aragnimada Soomaaliya ee ku aaddan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorsheynta horumarineed ee muddada dheer. Waxa uu ka hadlay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bixisay dib-u-dhiska hay’adaha maaliyadeed, horumarinta dakhliga gudaha, dib-u-habeynta maamulka maaliyadda iyo hirgelinta qorshayaal lagu xaqiijinayo koboc dhaqaale oo loo dhan yahay.
Gaasimaha Guud ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay ku guuleysatay horumar muuqda oo dhinacyo badan leh sanadihii la soo dhaafay, inkastoo ay weli jiraan caqabado la xiriira amniga, isbeddelka cimilada, xaaladaha bani’aadannimo iyo baahiyaha horumarineed ee sii kordhaya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in muhiimad gaar ah la siiyo isku xirka jawaabaha degdegga ah iyo qorsheyaasha horumarinta muddada dheer si loo gaaro natiijooyin waara.
Masuuliyiintii iyo khubaradii ka qaybgalay shirka ayaa isla qaatay in dalalka ka soo kabanaya colaadaha ay u baahan yihiin taageero joogto ah oo dhinacyada maalgashiga, maalgelinta horumarinta, dhismaha hay’adaha iyo kobcinta awoodda maamulka si ay u gaaraan horumar waara. Waxaa sidoo kale la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladaha, hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo bah-wadaagta horumarinta.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee ay dalka ku leedahay doodaha caalamiga ah ee la xiriira horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dowladnimada. Waxa kale oo uu fursad u noqday Soomaaliya inay la wadaagto bulshada caalamka casharrada laga bartay geeddi-socodka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorsheynta mustaqbalka fog.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay hirgelinta siyaasado iyo qorsheyaal horseedaya xasillooni dhaqaale, koboc loo dhan yahay iyo horumar waara, iyadoo ka faa’iideysanaysa iskaashiga ay la leedahay hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo saaxiibbada taageera geeddi-socodka dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka.