Abaanduulihii 12-Ka Apriil Oo Maanta Qarax Lagu Dilay

Wararka naga soo gaaray gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayan in deegaanka dhanaane qarax miino oo ka dhacay ay ku geeriyoodeen Abaandullihii Qeybta 12-ka April iyo Sarkaal kale.

Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay in ay la qaraxday gawaari ay saarnaayeen Abaandullihii Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Korneel Cabdisalaan Sheekh Aadan iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Muuse oo ahaa Madaxii Maaliyadda guutada 1-aad ee Ciidanka Xooga dalka.

Bishii December ee sanadkii tegay ee 2018,ayay aheyd markii deegaanka dhanaane qarax miino oo dhulka aasay ay ku geeriyoodeen Taliyihii Qeybta 12 Apriil Cumar Aadan Dhabad (Cumar dheere), Abaandullihii Qeybta 12-April General Cabdi Cali Jamaame iyo askar kale,iyadoo maantana deegaankaasi qarax lagula eegtay Korneel Cabdisalaan Sheekh Aadan oo bedelay Abaandullihii hore ee Qeybta 12-April.

War qoraal ah lagu daabacay baraha internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii lagu dilay Abaandullihii Qeybta 12-ka April Korneel Cabdisalaan Sheekh iyo Madaxii Maaliyadda Guutada 1-aad ee Ciidanka Xooga dalka.