Afhayeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Abdulahi Warsame Roble ayaa Ka Qayb Galay Furitaanka Tababar Shaqo.
Afhayeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Galmudug, Mudane Abdulahi Warsame Roble, ayaa ka qayb galay furitaanka tababar muhiim ah oo loo qabtay shaqaalaha sheybaarka xoolaha ee Galmudug.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayay kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha sheybaarka si ay si hufan u gutaan waajibaadkooda la xiriira baarista caafimaadka xoolaha, tayada cuntooyinka xoolaha laga helo, iyo ilaalinta fayadhowrka deegaanka.
Mudane Abdulahi Warsame Roble ayaa furitaanka tababarka ka jeediyay khudbad uu ku dhiirrigeliyay ka qaybgalayaasha, isagoo xusay muhiimadda uu sheybaarku u leeyahay kobcinta dhaqaalaha xoolaha iyo sugidda caafimaadka bulshada. Waxa uu sidoo kale sheegay in wasaaraddu ka go’an tahay tayeynta adeegyada ay bixiso, gaar ahaan kuwa la xiriira caafimaadka xoolaha iyo ilaalinta deegaanka.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Galmudug ku horumarinayso adeegyada xoolaha iyo dhirta, iyada oo lagu dhiirrigelinayo tayeynta shaqaalaha iyo kor u qaadidda awoodda hay’adaha dowladda.