Abii Axmed Oo ka hadlay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha  itoobiya Abiy Axmed ayaa markiii ugu horeysay waxa uu shaaca ka qaaday in ay bilaabeen ka qeyb qaadashada ama isku-soo dhaweynta Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Waxa uu sheegay in nabada iyo deganaanshaha Soomaaliya iyo Soomaaliland ay muhiim u tahay Gobolka,isla markaana uu rajeynayo in xukuumadiisa ay ku guleysato isku-soo dhaweynta labada dhinac.

Tallaabadaan ayuu sheegay inay ka codsadeen Odayaasha Dhaqanka Gobolka,kuwaas oo uu sheegay in iyana dhankooda ay doorweyn ka qaadan doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Bil ka hor tegay Magalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya,hayeeshee waxaa suurtagelin wadahadallo la doonayey in uu halkaasi kula yeesho Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.