Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Alsisi waxa uu Qasriga Madaxtooyada ee magaalladda Qaahira saakayto oo Khamiis ah ku qaabilay RW dalka Ethiopia, Abiy Ahmed oo Masar u jooga Shirka Madaxda dalalka deriska la ah Sudan oo maanta ka furmay magaalladda Qaahira.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay inay labada Hoggaamiye ka wada xaajoodeen Xoojinta Xiriirka labada dal.
Si kastaba, Xiriirka labada dal ee Masar iyo Ethiopia ayaa xumaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay sababo la xiriira Muranka Biyo-xireenka GERD ee ay Dowladda Ethiopia ka dhistay Webile The Blue Nile.
Ethiopia waxay qorsheynaysaa inay markii 4-aad buuxiso Kaydka Biyo-xireenka GERD bisha September ee soo socota, xilli aysan dalalka Masar, Ethiopia iyo Sudan wax Xal Sharci ah ka gaarin Muranka saami qeybsiga Biyaha Biyo-xireenka GERD we Webiga Nile.