Abiy Axmed oo sheegay in uu waxkaqaban doono colaada oromada iyo somaalida

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa ku hanjabay inuu gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah dalkaasi, markii ay dhawaan hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka u soo jeediyeen inuu wax ka qabto qul-qulatooyinka jira.

Maria Burnett, oo ah Agaasimaha hay’adda u doodda xuquql Insaanka (HRW) ee Bariga Afrika ayaa sheegtay in dilalka Qowmiyadaha, gaar ahaan is ugaarsiga ka dhexeeya Soomaalida iyo Oromadu in ay ku beertay walaac aad u weyn.

War Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in marxaladdan ay ku hayso walaac xooggan, wuxuuna ballan qaadan Abiy Axmed, inuu samayn doono dib u habayn xagga ammaanka ah.

Human Rights Watch, ayaa faah-faahin ka bixisay rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Jig-jiga, halkaas oo lagu dilay dad shacab ah, laguna boobay hanti, iyadoo dab la qabad siiyay Macbadyo iyo goobo kale, taas oo sabab u ahayd markii ay Ciidamada Federaalku xoog ku galeen xarumahii Dowlad degaanka.

Tallaabadaas ayaa ka caraysiisay Ciidanka Liyuu Boolis oo daacad u ah Madaxweynihii hore ee DDSI, iyo Bar-baarta Heego, oo ah dhallinyaro taabacsan Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo haatan ku jira Xabsi ku yaalla Addis Ababa.

Hay’adda ayaa sidoo kale ka hadashay rabshado ka dhacay Magaalada Dire-dhaba oo ay ku dhinteen 15 Qof oo Soomaali ah iyo dilal ka dhacay Shashabane, Tabe, Adama iyo degaanno kale, kuwaas oo intooda badan dhacay Bishan August.

Dhinaca kale, waxaa haatan yaraaday xasaradihii ka dhex aloosnayd Soomaalida Itoobiya iyo Oromada, waxaana imminka billowday in Kumanaan qof oo kas oo cararay rabshadaha kuna sugnaa Waqooyiga Soomaaliya iyo Jabuuti ay dib ugu laabtaan degaannadoodii hore.