Abiy oo la kulmay dad laga soo xulay DDSI

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa maanta magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya waxa uu kula kulmay Ergo gaareysa 700 qof oo laga soo kala xulay gobolada dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Kulankan oo aha mid heerkiisu sareeyo ayaa waxaa ka qeyb galay siyaasiyiin, ganacsato, culumaa’udiin, dhalinyaro, haween iyo qeybo kale oo ka mid ah bulshada dowlad degaanka.

Abiy Ahmed ayaa xubnahan wuxuu kala hadlay xaalada isbedelka ee ka jira dhulka gobolada dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo colaadaha soo lab laabtay ee u dhaxeeysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Xubnaha kulanka ka qeyb galay ayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ka codsaday inuu aad u xoojiyo arrimaha garsoorka, islamarkaana sharciga la horkeeno dadkii ku lug lahaa tacadiyo ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa dadka ku bogaadiyay inay nabad kula noolaadaan qowmiyadaha kale, sidoo kalena laga fogaado wax walba oo colaad hurin kara.