Abwaan kasoo jeeda Somaliland oo tegay JILIB kuna biiray Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan warar hoose oo soo baxaya waxaa Al-Shabaab isku dhiibay Abwaan Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo yaqaano (Jeesto) oo kamid ahaa dhalinyarada kasoo jeeda gobollada waqooyi, gaar ahaan magaalada Hargeysa, kaas oo muddooyinii dambe joogay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Abwaanka ayaa la waayey dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay, balse waxaa lasoo wariyay inuu tegay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ay gacanta ku hayso Al-Shabaab, uuna kuu biiray kooxdaas, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo ninkaasi dhalinyarada ah.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sheegay in Abwaanka uu ka baxsaday magaalada Muqdisho, ugu dambeyna uu gaaray magaalada Jilib, ayna kusoo dhaweysay kooxda Al-Shabaab.

Waxaa horay ninkan inta uu joogay Muqdisho u xiray hay’adda NISA, kadib tuhuno soo galay isaga oo loo haystay markaas inuu baraha bulshada ka taageeray kooxda Al-Shabaab, balse waxaa lagu sii daayay damiin, isaga oo ugu dambeyn aaday dhanka Jilib.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowlada Soomaaliya oo ku aadan warka ku saabsan ku biirista Abwaan Jeesto ee Shabaab.

Nageeye ayaa inta uusan ku biirin Al-Shabaab ahaa Abwaan caan ka ah gayiga Soomaalida, sidoo kale na Macallin ka ahaa Jaamacadda Ummadda, taas oo dad badan la yaab ku noqotay.