Afar Dal oo laga joojiyay Dadkooda in ay soo galaan Somaliya

War kasoo baxay Hey’adda Duulista rayidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucey inay dalka soo galaan muwaadiniinta iyo Ajaanibta ka imaanaya Afar dal oo uu siweyn u saameeyey Cudurka Caronavirus.

Dalalka la mamnuucey ayaa waxaa ay kala yihiin, Shiinaha, Iiraan Koofur Kuuriya iyo Talyaaniga,waxaana dowladdu sheegtay inaysan Soomaaliya imaan karin dadka ka yimaada dalalkaas xataa hadii ay yihiin Soomaali.

Shaqaalaha Garoonka iyo duuliyeyaasha diyaaradaha ayaa waxaa lagu amray inay la soo xiriiraan Hay’adda Duulista Hawada hadii ay rakaabka uga shakiyaan inay qabaan cudurka Caronavirus.

Warkaan kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalalkaas uu siwyen u saameeyey cudurkaas sidoo kale dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo deris la’ah Soomaaliya dad qaba Cudurkaas Caronavirus laga helay.