afarta nin ee loo soo xiray weerarkii Moscow.

Dhammaantood iyaga oo leh calaamado muujinaya dhaawacyo ku yaalla ayay ka soo hor muuqdeen maxkamad ku taala caasimadda Ruushka, waa afarta nin ee ku eedaysan in ay gaysteen weerarkii lagu dilay ugu yaraan 139-ka qof ee dhacay Moscow.

Waxay afartuba ku eedaysan yahiin in ay gaysteen fal argagaxisonimo.

Jimcihii tagay, ayay rag hubaysan gudaha u galeen masrax ku yaala magaalada Krasnogorsk ee oo dhacda waqooyiga magaalada Moscow, waxayna rasaas ku fureen dadweynihii masraxa daawanayay, ilaa 6,000 qof ayaana kasoo qayb galay bandhig faneed halkaa ka socday.

Marka laga soo tago dadka dhintay, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in inka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen.

Waaxda Amniga Federaalka ee Ruushka (FSB) ayaa sheegtay inay afartan nin ku qabteen gobolka Bryansk, oo qiyaastii 400 oo kilomitir koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Moscow, 14 saacadood kaddib markii uu weerarku dhacay.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Ruushka ee Tass, waxay u dhasheen dalka Tajikistan oo ku yaalla waqooyiga Afgaanistaan.

Bayaan ka soo baxay maxkamadda oo ku saabsan oo lagu baahiyay barta Telegram, ayaa lagu sheegay in Mirzoyev uu “si buuxda u qirtay dambigiisa” iyo in Rachabalizoda uu sidoo kale isna qirtay.

Todobo qof oo kale ayaa lagu xiray dalka Ruushka, kuwaasoo looga shakisan yahay inay gacan ka geysteen weerarka.