Afhayeenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo si cad u beeniyey wararka sheegaya in maamulka uu la wareegay diyaarad ciidan

Afhayeenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa si cad u beeniyey wararka sheegaya in maamulka uu la wareegay diyaarad ciidan ama ay jirto diyaarad ku soo dhacday magaalada Baydhabo oo ay gacanta ku hayaan.

Afhayeenka ayaa warbaahinta u sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn, isla markaana lagu marin habaabinayo shacabka, isagoo xusay inaysan jirin wax dhacdo ah oo noocaas ah oo ka dhacay Baydhabo saacadihii u dambeeyey.

Beenintan ayaa timid kaddib markii ay baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood ku faafeen warar sheegaya in diyaarad ciidan oo ka soo duushay deegaanka Waajid ay isku dayday inay ku degto Baydhabo, balse la rasaaseeyey, ugu dambeyntiina ay gacanta u gashay maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay shacabka iyo warbaahinta inay ka feejignaadaan faafinta wararka aan la hubin, islamarkaana ay ku kalsoonaadaan xogaha rasmiga ah ee kasoo baxa maamulka. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in xaaladda amni ee Baydhabo ay tahay mid deggan, isla markaana aysan jirin wax qalalaase ah oo ka jira magaalada.