Afhayeenkii G/Banaadir Oo loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee howlaha maamulka gobolka Banaadir.

Afhayeenkii maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa goor dhow loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Xalane oo in Mudda ah hayay Xilka Afhayeenka gobolka Benadir, ayaa si Rasmi ah Hada Loogu Magacaabay Agaasimaha Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Benadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalane u Magacaabay xilkaasi sidda ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Gudoomiye Yariisow.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waday Bilihii lasoo dhaafay isbadel lagu sameynaayay waaxyadda gobolka Banaadir.