Agaasimaha Ciyaaraha Antero Henrique, Unai Emery Iyo Siddeed Ciyaartoy Oo PSG Ka Tirsan Oo Ay Seefta Nasser Al-Khelaifi Qaadi Karto.

Kadib fashilmkii soo gaadhay kooxda PSG ee tartanka UEFA Champions League ayaa sabab wayn u noqonaya in madax waynaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi uu nadiif wayn samayn doono dhamaadka xili ciyaareedkan. Madax waynaha ahna mulkiilaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa kadib guuldaradii Real Madrid ka soo gaadhay cadeeyay in ka hor inta ayna go’aan qaadan ay isdajin doonaan.

Waxaa jira warar soo baxaya oo muujinaya in Nasser Al-Khelaifi uu samayn doono isbadal wayn marka uu xili ciyaareedkani dhamaado waxaana jira ilaa siddeed ciyaartoy oo ay suurtogal tahay in PSG ay iska iibin doonto halka tababare Unai Emery iyo agaasimaha ciyaaraha ee Antero Henrique ay shaqadooda waayi karaan.

 

Kooxda PSG ee ay Real Madrid guuldaradu ka soo gaadhay ayaa ku qiimaysnayd 800 milyan Euros laakiin in markale ay ku fashilmeen tartanka UEFA Champions League ayaa keenaysa in Nasser Al-Khelaifi uu seefta galka ka saari doono isla markaana uu iska iibin doono xidigo badan oo aan waxtar muhiim ah samayn.

Layvin Kurzawa iyo Yuri Berchiche ayaa ka mid ah xidigaha muhiimka ah ee aan la badali doonin laakiin waxaa la soo gaadhay waqtigii uu Nasser Al-Khelaifi tixgalin lahaa in uu iska iibiyo xidigaha kala ah Edinson Cavani, Marco Verratti, Ángel Di María iyo Javier Pastore.

Laakiin Andrien Rabiot ayaan la filayn in in uu nadiifinta qayb ka noqon doono balse Dani Alves iyo xidigaha la midka ah ayaa albaabka loo furi doonaa. si kastaba ha ahaatee, Unai Emery ayaaba halis ugu jira in shaqada laga caydhiyo inta aanu xili ciyaareedkani dhamaan.

Nasser Al-Khelaifi ayaa fursad siin kara kooxo badan oo xiisaynayay xidigo hadda aan mustaqbal ku yeelan doonin kooxdiisa waxaana la filayaa in marka uu suuqa xagaagu furmo ay kooxaha Yurub ka faa’iidaysan doonaan nadiifinta uu Nasser Al-Khelaifi kooxdiisa ka samayn doono.