Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda IOM, gaar ahaan dhinacyada mudnaanta u leh dowlad-dhisidda iyo xasillinta dalka. Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xasillinta deegaannada, dad-dhigista iyo diiwaangelinta madaniga ah, horumarinta iyo xoojinta maamulka dowladaha hoose, iyo hirgelinta xalal waara (Xalka Waara).
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay iskaashi ballaaran oo lagu taageerayo soo kabashada dalka, horumarinta kaabayaasha aasaasiga ah, iyo xoojinta hay’adaha dowladda, si loo dhiso nidaam dowladeed oo hufan, adkeysi leh, kana jawaaba baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa bogaadiyay doorka ay Hay’adda IOM ka qaadato taageeridda dadaallada dowladda, gaar ahaan arrimaha la xiriira dib-u-dejinta, maamulka socdaalka, iyo horumarinta nidaamyada madaniga ah, isaga oo xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay xasilloonida, horumarka iyo dib-u-heshiisiinta dalka.
Dhankiisa, Madaxa IOM ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira, ayaa adkeeyay ballanqaadka Hay’adda IOM ee ku aaddan sii wadista taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in IOM ay sii xoojin doonto iskaashiga ay la leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, si loo gaaro natiijooyin waara oo taabanaya nolosha bulshada Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu dardargelinayo wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda IOM, laguna xoojinayo dadaallada lagu dhisayo nabadda, xasilloonida, iyo horumar waara.