Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga oo maanta qaabilay khabiiro ka tirsan mashruuca SJAGP

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Maxamed Shire, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay khabiir ka tirsan mashruuca SJAGP, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray horumarinta nidaamyada tiknoolajiyadda macluumaadka (IT) iyo falanqaynta xogta (Data Analytics).

Kulanka ayaa si gaar ah loogu lafaguray casriyeynta hababka xog ururinta, kaydinta, habaynta iyo falanqaynta xogta, si loo xoojiyo hufnaanta shaqo, tayada adeegyada iyo taageeridda go’aan qaadasho ku saleysan xog sax ah oo la isku halayn karo.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay doorka muhiimka ah ee tiknoolajiyadda casriga ahi ku leedahay xoojinta amniga gudaha, horumarinta maamulka xogta iyo sare u qaadidda waxqabadka hay’adaha dowladda, gaar ahaan Wasaaradda Amniga Gudaha.

Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Shire, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ah iyo ka faa’iidaysiga nidaamyada casriga ah ee xogta, si loo horumariyo howlaha Wasaaradda iyo adeegyada loo hayo bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso adeegsiga tiknoolajiyadda iyo nidaamyada xogta si loo helo shaqo hufan, isla markaana loo xoojiyo awoodda hay’adaha amniga ee la tacaalidda caqabadaha jira.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqeynta farsamo, horumarinta adeegyada tiknoolajiyadda iyo tayeynta nidaamyada xogta ee Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.