Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Masuuliyiin ka socda NIS Foundation

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdulkadir Ali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda kula kulmay masuuliyiin sare oo ka socday Hay’adda NIS Foundation.

Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Wakiilka NIS Foundation ee Soomaaliya, Mudane Qaasim Gabow Ducaale, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha muhiimka ah ee la xiriira xasilinta dalka, dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed iyo dedaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabad-dhiska.

Intii uu socday kulanka, Agaasimaha Guud iyo masuuliyiinta NIS Foundation ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda, si loo dardargeliyo barnaamijyada taageeraya nabadda, dowlad-dhiska iyo dib u soo celinta kalsoonida bulshada.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyey xaaladaha ka jira deegaannada u baahan xasilin, iyo muhiimadda ay leedahay in la helo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xaqiijinayo dib-u-heshiisiin waarta, loogana hortago khilaafaadka bulshada.

Masuuliyiinta NIS Foundation ayaa dhankooda muujiyey diyaar garow buuxa oo ay ku taageerayaan Wasaaradda dadaallada ay ugu jirto hirgelinta qorshayaasha nabadeynta, iyagoo xusay in hay’addu ka shaqeyso mashaariic la xiriira horumarinta bulshada, nabad-dhiska iyo xoojinta wada noolaanshaha.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Abdulkadir Ali, ayaa uga mahadceliyey NIS Foundation taageerada iyo doorka ay ka qaadanayaan nabad-dhiska Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey in Wasaaraddu ka go’an tahay la shaqeynta hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka qeyb qaadanaya xasilloonida dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ku xoojinayso barnaamijyada dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta, si loo gaaro Soomaaliya nabad ah oo xasilloon.