Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkaadir Cali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, kulan kaas oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah nabadda, wadajirka bulshada, iyo adkeynta dowladnimada dalka.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray ka hortagga khilaafaadka horseeda colaadaha sokeeye, iyo xoojinta dadaallada dib-u-heshiisiinta ee lagu xallinayo colaadaha beelaha ee ka jira qaybo ka mid ah dalka, si loo helo xal waara oo lagu sugi karo nabadda, isla markaana loo adkeeyo wada noolaanshaha iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ayaa hoosta ka xarriiqay doorka muhiimka ah ee ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin ilaalinta nabadda, xalinta khilaafaadka bulshada, iyo sugidda midnimada iyo madaxbannaanida dalka. Wuxuu xusay in odayaasha dhaqanku ay yihiin laf-dhabarta xasiloonida bulshada, isla markaana ay door muuqda ku leeyihiin ka hortagga faragelinta shisheeye iyo ilaalinta danaha qaran.
Sidoo kale, kulanka waxaa si qoto dheer looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya hoggaanka dhaqanka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, si loo mideeyo dadaallada nabadeynta, dib-u-heshiisiinta, iyo wacyigelinta bulshada, loona dhiso hannaan wada shaqeyn joogto ah oo wax ku ool ah.
Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda muujiyey sida ay uga go’an tahay ka shaqeynta nabadda, midnimada, iyo xasilloonida dalka, iyagoo ballanqaaday in ay door firfircoon ka qaadan doonaan dadaallada dib-u-heshiisiinta, ka hortagga colaadaha, iyo xoojinta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo Wasaaraddu ku doonayso in lagu xoojiyo geeddi-socodka nabadeynta, dib-u-dhiska kalsoonida bulshada, iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan wada-shaqeyn, is-faham, iyo midnimo qaran.