Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Eng. Maxamed Xasan Cabdulle ayaa soo xiray shir labo maalmood socday oo ku saabsan Ansixinta Dib u Eegista Siyaasadda Qaran ee Makiinadaha Beeraha oo ay soo diyaarisay Waaxda Tiknoolijiyada Beeraha iyo Hal abuurka oo kaashaneyso hey’ada FAO.
Somalia ma laheen Siyaasad Qaran oo Makiinadaha Beeraha ah laakiin hada kadib siyaasadaan ayaa noqon doonto mid hagta qeybaha kale duwan ee ka shaqeeyo arrimaha makiinadaha iyo guud ahaan hormarinta qalabka beeraha dalka.
Siyaasadaan Qaran ee Makiinadaha Beeraha waxay xooga saareysaa helista qalabka beeraha, tababarada, deymaha iyo maalgalinta qalabka beeraha, hormarinta qalabka gudaha dalka lagu farsameeyo, sare u qaadista doorka shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo ilaalinta tayada qalabka beeraha.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS waxay dadaal badan ku bixineysaa in beeralayda Soomaaliyeed ay helaan noocyada kale duwan ee qalabka beeraha iyo tababarada makiinadaha taas oo ay siyaasadaan xooga saareyso iyo sidoo kale fursadaha maalgashiga qalabka beeraha oo sare loo qaado.