Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib -U- heshiisinta Galmudug mudane Omar Gure oo sheegay in Gole Deegaan loo samayn doono Degmooyinka Laga Xoreeyay Kooxda Alshaaab.

Agaasimaha Guud (Director General) ee Wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib -U- heshiisinta Galmudug mudane Omar Gure ayaa sheegay in Gole Deegaan loo samayn doono Degmooyinka Laga Xoreeyay Cadawga Alshaaab.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Galmudug mudane Omar Gure ayaa yiri “Iyadoo dhawaan Degmooyin ka tirsan Galmudug laga xoreeyay kooxda Argagixisada Alshabaab sida Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayay Wasaaradda Arimaha gudaha ,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug waxay shaacisay in gole Deegaan loo sameyn doono Degmooyinka laga dulqaaday xukunka Argagixisada Alshabaab.”

Agaasimaha Guud (Director General) ee Wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib -U- heshiisinta Galmudug mudane Omar Gure ayaa sheegay in si ay adeegyada bulshada ee aas aasiga ah u helaan dadka ku nool Degmooyinka laga xoreeyay Alshabaab ay Dowladda Galmudug ka hirgelinayso Degmooyinkaas Maamulo dadku soo dooran doonaan sida dhismaha Goleyaasha Deegaanka oo horseed u noqon kara Horumarka Degmooyinkaas.
Hadalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug Omar Gure ayaa kusoo aadaya iyadoo guul weyn ay Galmudug ka gaartay Dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab, lagana saaray dhul balaaran oo ka tirsan Galmudug.