Agaasimaha Guud oo New York kaga Qeyb Galay Shir ku Saabsan Awoodsiinta Haweenka iyo Nabadda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee JFS Mudane Maxamed Bashir Cumar ayaa magaalada New York kaga qeyb galay kula gaar ah oo diirada lagu saaray, awood siinta Hoggaanka Haweenka ee Nabada iyo Amniga, si gaar ah dalalka Soomaaliya, DRC, wadamada ku teedsan saxara lamoodka Sahel iyo Liibiya.
Agaasime Maxamed Bashir Cumar oo ka mid ahaa martida lagu casuumay shirka ayaa ka qeyb qaatay Guddi heer sare ah oo hadal jeedin iyo su’aalo la xariira horumarka ay ku tallaabsadeen dalalka sida gaar ka ah diiradda loogu saaray shirka, taas oo Soomaaliya qeyb ka aheyd wadamada lagu lafa guray intii lagu guda jiray kulanka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS Maxamed Bashiir Cumar ayaa martida shirka la wadaagay horumarrada ballaaran ee ay soomaaliya ku guuleysatay, kuwaas oo ay ugu horeeyaan xaqiijinta qoondada haweenka oo lagu xusay sharciga doorashooyinka iyo kan xisbiyada, dhaqan galinta shuruucda iyo siyaasadaha lagama maar maanka u ahaa awoodsiinta Haweenka soomaaliyeed.