Agaasimaha Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Masar

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya, Mudane Feysal Aadan Xasan, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar ee Soomaaliya, Mudane Mohamed Salah Keshtah, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Masar ee dhinacyada maalgashiga, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Kulanka ayaa looga hadlay fursadaha jira ee lagu horumarin karo xiriirka dhaqaale ee labada dal, gaar ahaan sidii loo dhiirrigelin lahaa maalgashiga iyo ganacsiga, loona abuuri lahaa jawi fududeynaya in shirkadaha iyo maalgashadayaasha labada dal ay helaan fursado cusub.

Agaasimaha Guud iyo Safiirka ayaa sidoo kale ka wada hadlay Alamein Africa Business Forum, oo lagu qabanayo magaalada Alamein ee dalka Masar, muddada u dhexeysa 2 ilaa 4 Oktoobar 2026, iyo ka-qaybgalka Soomaaliya ee madashaasi.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu lafa-guray doorka iyo fursadaha ay Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya ku yeelan karto madasha, iyadoo la xusay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya si wanaagsan uga faa’iideysato shirarka iyo kulamada ganacsi ee caalamiga ah si loo soo bandhigo fursadaha maalgashi ee dalka.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya (SIA) iyo General Authority for Investment and Free Zones (GAFI) ee dalka Masar.

Iskaashigan ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto xoojinta xiriirka hay’adaha maalgashiga labada dal, is-dhaafsiga khibradaha iyo xogta maalgashiga, iyo fududeynta xiriirka ka dhexeeya maalgashadayaasha Soomaaliya iyo Masar.

Soomaaliya iyo Masar ayaa leh fursado badan oo iskaashi dhaqaale, iyadoo dhinacyada laga heli karo fursado maalgashi ay ka mid yihiin beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, dhismaha, gaadiidka, adeegyada maaliyadda, bangiyada iyo tamarta.

Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siisa soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah, iyadoo dadaal ugu jirta in la abuuro jawi maalgashi oo fududeynaya ganacsiga, dhiirrigelinaya maalgashadayaasha, isla markaana taageeraya koboca dhaqaalaha dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo iskaashi dhow oo u dhexeeya hay’adaha maalgashiga labada dal uu gacan ka geysan karo in fursadaha dhaqaale loo beddelo maalgashi dhab ah, ganacsi, shaqo-abuur iyo koboc dhaqaale.