Agaasimaha Sirdoonka dalka Turkiga oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Agaasimaha Nabadsugida dalka Turkiga ee (MIT) Ibrahim Kalin ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyada oo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdiga Agaasimaha ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyey saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda, iyada oo markii dambe laga soo galbiyey garoonka Aada Cadde.

Socdaalka Agaasimaha ayaa daaran yahay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ay qeyb ka tahay la dagaalanka Al-Shabaa, oo uu Turkiga si weyn ugu taageerayo dowladda Soomaaliya.

Agaasime Ibrahim Kalin oo markii ugu horreysay yimid magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho Agaasimaha NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada Hay’adood.

Ibrahim Kalin ayaa la filayaa in uu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirkiisa koowaad ee Xukuumadda Xamsa, iyaga oo kawada hadli doona arrimaha amniga ee labada dal Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Ibrahim Kalin oo ahaa Afhayeenkiis u magacaabay Agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka ee MIT June 5, 2023-ka, sida uu sheegay xafiiska warfaafinta Madaxweynaha.