Agaasimaha Waaxda ICT ee Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Mowlid Daqaf ayaa Shaqaalaha Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiiragalinta Maalgashiga U Qabtay Tababar.

Agaasimaha Waaxda ICT ee Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga
Mudane Mowlid Daqaf ayaa Shaqaalaha Waaxda ICT ee Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiiragalinta Maalgashiga siiyay taba-bar la xariiro qaabka loo Galiyo xafiisyada Wasaarada Network.

Mudane Mowlid Daqaf ayaa Shaqaalaha Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiiragalinta Maalgashiga ku booriyay shaqada wanaagsan ay u hayaaan Bulshada Galmudug sidoo kale waxuu kala hadlay ilaalinta Xogta iyo Data Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiiragalinta Maalgashiga.

Mudane Mowlid Daqaf ayaa Shaqaalaha Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiiragalinta Maalgashiga qaybta ICT-ta ugu mahadceliyay Shaqada wanaagsan ay wasaarada u hayaaan iyo sida ay ugala shaqeeyeen mudadii uu socday Tababarka.
Ugu danbayntii Mudane Mowlid Daqaf ayaa soo xiray Taba-barka oo soconayay mudo labo maalin ah, waxuunu u mahadceliyay Madaxda Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiiragalinta Maalgashiga.