Agaasime Koofi Oo Booqasho Kutegay Xarumaha Laanta Socdaalka Ee Dalka Jabuuti

Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Dawladda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Koofi iyo wefdi uu hoggaaminayo oo weli safar shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa booqdey qaarka mid ah xarumaha laanta socdaalka ee dalka Jabuuti sida:-

1) Garoonka diyaaradaha Magaalada Jabuuti.

2) Xarunta laga bixiyo baasaboorka Jabuuti.

3) Xadka Soomaaliya iyo Jabuuti ee Lowya-cado dhinaca Jabuuti.

4) Dugsiga tababarka Booliiska iyo saraakiisha Socdaalka.

Agaasimaha iyo wefdigiisa ayaa xarumahaan kula kulmey saraakiisha Jabuuti ee ka howlgasha, waxayna warbixin ka siiyeen hanaanka shaqo iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay tababar siiyaan saraakiisha socdaalka Soomaaliya, Agaasimaha iyo wefdigiisa ayaa kusoo arkey meelaha ay tageen hab shaqo oo ku dayasho mudan.

Sidoo kale agaasimaha ayaa salaan ka qaatey saraakiisha iyo askarta Soomaalida ah ee ku jira tababarka dugsiga booliiska Jabuuti , isaga oo kula dardaarmey in ay si fiican ugu diyaar garoobaan waajibaadka kusoo fool leh tababarka kadib.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa leh xariir dhinac walba, waxaana dhowaan dalka Jabuuti tababar u tagi doona saraakiil ka socota hay’adda, iyadda oo sidoo kale dhowaan la sameynayo iskaashi joogto ah oo dhinaca socdaalka ah.