Agaasime Ku-xigeenka Warfaafinta Madaxtooyada Galmudug oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay tacaddiyada ka dhanka ah Saxaafadda Madaxa Bannaan

Dhuusamareeb 24/9/2023: Agaasime Ku-xigeenka Warfaafinta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug, Ahmed Khaliif, ayaa maanta ka qeyb galay kulan muhiim ah oo looga hadlayay tacaddiyada iyo caburinta lagula kaco saxaafadda madaxa bannaan, kaas oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen hay’adaha u dooda xuquuqda saxafiyiinta, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, ururada saxafiyiinta, hay’adaha bulshada rayidka ah, iyo wakiillo ka socday warbaahinta maxalliga ah. Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd sidii xal waara loogu heli lahaa cabashooyinka isa soo taraya ee la xiriira xadgudubyada iyo cadaadiska ay la kulmaan suxufiyiinta ka howlgala deegaanada Galmudug.

Ahmed Khaliif oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa xusay in xukuumadda Galmudug ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta, isagoo intaa ku daray in saxafiyiintu yihiin laf-dhabarta dimuqraadiyadda iyo hufnaanta dowladnimada.

“Saxaafad xor ah waa tiir muhiim u ah dowlad wanaagga. Waa in la dhowraa xuquuqda suxufiyiinta si ay si madax bannaan ugu gudan karaan waajibaadkooda,” ayuu yiri Agaasime Ku-xigeen Ahmed khaliif .

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in Madaxtooyada Galmudug ay sii xoojin doonto wadashaqeynta kala dhaxeysa warbaahinta iyo ururada saxafiyiinta si loo xaqiijiyo jawi amni iyo xorriyad leh oo ay ku shaqeeyaan suxufiyiintu.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan walaacyada laga muujinayo falalka tacaddiyada ee ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanada maamul goboleedyada.