Agaasimihii guud ee hay’adda socdaalka ee liiska eedeysanayaasha ku jira ayaa iscasilay

Agaasimihii guud ee hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Cabduqaadir Cabdul oo dalka ka cararay 20 June 2023 kadib markuu helay in uu ku jiro liis la raadinayey, maantana ay xeer ilaalinta dalka si rasmi ah ugu dartay liiska eedeysanayaasha dalka ka maqan ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii agaasimaha guud ee hay’adda.